Newsflash

Ciidamada Xarakada Shabaab Almujaahidiin iyo kuwa Ururka Xisbul islaam ee ku kala sugan bariga iyo galbeedka magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa amaro ku soo rogay dadka rayidka ah ee degen magaaladaas gaar ahaan kuwa isaga kala goosha bariga iyo Galbeedka magaalada ee isticmaala doonyaha dulmara wabiga shabelle. Amarkan ka soo baxay maamulkaasi ayaa waxaa uu yahay mid ku aadan in dumarka iyo haweenka ay isla raaci karin gaadiidka doonyaha ah ee dadka isugu kala gudbiya labada dhinac ee magaalada, Waxaa la arkayaa saaka ciidamo farabadan oo taagan labada dhinac ee doonyaha loogaga gudbo bariga iyo galbeedka magaaladaasi iyagoo sameynaya howlgalo lagu kala ilaalinayo in ay raga iyo dumarka isla raacaan haldoon oo gudbeysa. Waxay tani timid ka dib markii ay go’day buundadii isku xireysay magaaladaas ee iyadu ay dadka mari jireen, iyadoo bedelkeedana dadka ay ugu kala gooshaan doonyo yar yar. Si kastaba ha ahaatee amarkan ayay ku saleeyeen ciidamada labada dhinac ee Xisbul islaam iyo Alshabaab in ay tahay mid aan diinta islaamka oqolaaneyn, islamarkaana ay u tiigsanayan shareecada ku dhaqankeeda islamarkaana ka maamul ahaan ay dadka ku dhaqaan shareecada.
 
You are at: Home
Yugandha, UN-ka, Midowga Yurub iyo Mareykanka oo ka wada hadlaya arrimaha Somaliya.
Written by madka   
Tuesday, 05 October 2010
Masuuliyiin dhinaca amaanka ah oo ka kala socda Ururka Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ayaa lagu wadaa in kulamo looga hadlayo xaalada wadanka Soomaaliya ay la qaataan madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafani.
Read more...
 
Faah-faahin Dagaal Muqdisho ka dhacay.
Written by madka   
Tuesday, 05 October 2010
Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Al Shabaab maanta waxaa ay ku dhexmartay xaafado ka mid ah degmada Hodon ee gobolka Banaadir
Read more...
 
Barakacayaal ka Banaan baxay Xisbul Islaam.
Written by madka   
Tuesday, 05 October 2010
Qoysas Barakacayaal ah oo aad u caraysan ayaa banaanbax ay kaga cabanayaan barakicin ay sheegeen inay ku hayaan Ciidamo ka tirsan Ururka xisbul Islaam waxaa ay ka dhigeen deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho.
Read more...
 
<< Start < Prev 1 2 3 4 Next > End >>

Results 1 - 4 of 14

Polls

waa maxay doorka dhalinyarada
 

Who's Online


text

themesclub.com cms Joomla template
Free Joomla! hosting powered by FreeJoomlas.com
Copyright © 2012 A Youth Media  -  All Rights Reserved.
design by themesclub.com
themesclub logo